Ururka UBAD oo caan ku ah dhiirrigelinta dhalinyarada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa markale tallaabo weyn qaaday, iyaga oo magaalada Qardho ka furay dugsi waxbarasho oo cusub. Dugsigan cusub wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee ururka ku bixinayo sidii dhalinyarada iyo caruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursado waxbarasho oo tayo leh.
Ujeedka laga leeyahay furitaanka dugsigan ayaa ah in la helo jiil cusub oo aqoontu hoggaaminayso, isla markaana leh karti iyo xirfad uu kaga qaybqaato dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda. UBAD waxa ay diiradda saareen in dugsigan uu noqdo meel lagu kobciyo maskaxda ardayda, iyadoo la barayo maadooyin casri ah oo la jaan qaadaya baahida suuqa shaqada iyo isbeddelka dunida maanta.
Munaasabaddii furitaanka dugsiga, hoggaanka ururka UBAD waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda waxbarashada ay u leedahay horumarka bulsho kasta. Waxay sidoo kale ugu baaqeen waalidiinta iyo bulshada inteeda kale in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii caruurta loogu dhiirrigelin lahaa waxbarashada, isla markaana loo taageeri lahaa dadaallada noocan oo kale ah.
Dugsiga cusub ee UBAD ayaa la filayaa inuu noqdo xarun iftiin iyo fursad u ah kumannaan arday oo doonaya inay noloshooda ka sameeyaan isbeddel waara. Waxbarashada la bixinayo waxay noqon doontaa mid isku dhaf ah — mid aqooneed, mid xirfadeed, iyo mid wacyigelineed.
UBAD waxay mar kale muujisay in isbeddelka dhabta ahi uu ka bilowdo dadaal, niyad, iyo aragti fog!
Inshallah mar dhow waa kugu soo warcilineyna