Taarikhda iyo waxqabadka UBAD oo kooban
Ururka UBAD wuxuu ku billawday dareen dhalinyaro kana billawday qol aaladda telegramka ah, nidaam group ahaan loo furay Jan 31, 2024. Waxaa groupka aasaasay Abdalla Ahmed Mohamed oo wiil dhalinyara ah oo aan weligii nasiib u yeelan inuu ku noolaado dalkiisa Hooyo, taasina ay sabab u ahayd aafada qabiileeysiga. Waxaana la dhisay maamul si hawlaha groupka nidaam u yeeshaan.
Waxaa xigay in la qaaday olole wacyigalineed oo baraha bulshada ah, loogana wacyigelinayey bulshada cudurka aafeeyey Soomaalida ee Qabiilaysiga. Bisha April 2024, waxaa laysku raacay aragti ah in group- ka loo bedelo urur, waxaana la guda galay uruurinta fikradaha, xulista magaca ururka iyo soo bandhigidda qaab dhismeedka ururka.
Bilaha May ilaa July 2024, waxaa socday diyaarinta qaab dhismeedka ururka iyo samaynta xeerarka guud ee ururka. Sidoo kale waxaa si habsami leh u garab socday hawlaha group- ka ee ahaa la dagaalanka qabyaaladda.
Hawlaha wacyigelinta ee tooska ah waxay billawdeen todobaadka xuriyadda ee sanadkii hore 26kii June 2024 oo Faraceenna NFD sameeyeen wacyigelintii ugu horraysay ee foolka- fool ahayd iyo wacyigelintii xigtay oo dhacday 1dii July 2024 kana qabsoontay magaalada Muqdisho. Magaaladii labaad dalka gudahiisa aan hawlaheenna ka bilawnay waxay ahayd Gaalkacyo kadibna waxaa inoo furantay iridaha kobcitaanka ururka waxaana gaarnay gobollada dalka badankooda gaar ahaan magaalooyinka waawayn.
Sidoo kale, xubnaha ururka ee dibadda jooga oo loo sameeyey group loo bixiyey Farca qurba joogta. Dhalinyaradaaas oo wacyigelin toos ah ka sameeyay dalalka Sweden iyo Holland.
Faracyada ururka waa halka ay ka socdaan hawlaha guud ee ururka sida wacyigelinta iyo waxbarashada. Waana goobta himillada ururka u bedesha fal la taaban karo.
July 2024, waa bisha aan dhidibbada u taagnay ururka oo aan dhamaystirnay qaab dhismeedka iyo xeerarka ururka. Waxaana u diyaar garownay soo bandhigidda Ururka Barbaarta Aayaha Dalka ‘UBAD’ oo lagu guulaystay 23 August 2024 inuu si rasmi ah u shaqo billaabo.
Xaflad ku qabsoontay hab fogaan arag ah oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan sida culimo, Aqoon yahanno, indheer garad, iyo wariyeyaal ayaa lagu shaaciyey ururka.
September 2024, waxaa ku dhiirannay inaan furno Dugsiga UBAD oo ah madal waxbarasho oo laga asaasay kuna yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Wuxuuna ahaa fikir in lagu dhiirado adkayd marka la fiiriyo firaaqa la’aanta xubnaha faraca Muqdisho iyo xaalka dhaqaale ee ururka, balse naf hurnimo iyo karti ay muujiyeen xubno ku sugan Faraca Muqdisho ku suurtagashay.
Taas oo dhalisay in 14 dhalinyaro Aqoon yahan ah ay ku dhiiradaan inay cilmigooda ugu faaideeyaan caruurta soomaaliyeed ee aan helin xaquuqdooda waxbarasha oo gaaraysa 140 arday, una billaabaan waxbarasho lacag la’aan ah.
Muddo 7 bilood kadib waxaa lagu guulaystay in ubad soomaliyeed oo aan haysan waxbarasho ay gashay rajo ah inay ugu yaraan heli karaan waxbarasho asaasi ah sida:
16 december, waxaa soo baxday ogolaanshihii diwaangalinta ururka UBAD ee dalka Sweden. January 2025, waxaa ururka laga diiwaan galiyey dawladda federaalka Soomaaliya, si hawlaha ururka u noqdaan kuwa sifo sharci ah ku socda.
waa qidmad laga aruuriyo xubnaha ururka waana $1 oo laga qaado xubinta dalka gudihiisa joogta iyo $15 oo laga qaado xubinta dalka dibaddiisa joogta.
Himillada ururkani waa dhisitaanka dhalinyaro tayo leh kana madax bannaan qabiilaysiga, hammigooduna yahay dib u dhiska dadkooda iyo dalkooda, si loo soo celiyo bulshadii soomaaliyeed ee lagu yaqaaney horumarka iyo wadaniyadda.
Ururkan hadafkiisa ugu horeeya waa in ay dhallinyaradu hesho madal ay afkaartooda ku mideeyaan, si ay maankooda uga xoreeyaan gumeysiga dadban ee ku saleysan dhaqanka qabiileysiga. Bulshada waxaan u soo bandhigeynaa wacyigalin iyo olole ku saabsan dhinaca aqoonta iyo sooyaalka soomaaliyeed si ay dhalinyaro fikireysa ugu soo baxaan gayiga soomaaliyeed.
Hiigsiga ururkani waa soo saaridda dhallinyaradii suurto gelin lahayd waqti muwaadinka soomaaliyeed qabiilkiisa waxba uga baahnayn sida: amni, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo.